Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka, iyo ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay Soomaaliy oo Gaaray Baladweyne

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo agaasimaha Guud ee wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle, ayaa Garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo Dhaweeyey wafdi heer caalami Ah oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’adda Qaran ee mareeynta Masiibooyinka, qeybna uu ka Ahaa ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay ee Somalia (George Conway)

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladaha guud ee Bini-adanimo ee Gobalka Hiiraan , iyo u Diyaar’garoowga xaaladaha Elnino ee sameeyn kara goobaha wabiyadda.

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaalada guud ee Magaaladda Beledweyen ayagoo warbixino ka Dhageeystay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dadaalada xiriirka ah ee la xiriira kobcinta iyo Dajinta qorshayaasha bini-adanimo si loo gaaro Hoowlaha maareynta fatahaadaha iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay .

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxuu dadaal xoogan ku bixinayaa sidii kor loogu soo qaadi Lahaa adeegyada bini-adanimo oo hoos u dhacay Si loo xaqiijiyo hormarka guud iyo garabistaagida Bulshada midaas oo yeereyneeyso daruufaha ka Dhashay cooladaha iyo fatahaadaha soo laab-laabtay ee Gobalka Hiiraan.

DHAMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA