Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israaiil oo wax ka yar 24saac ku dishay 256 ruux oo shacab ah waxaana kamid ah Dadkaas 20-Carruur.

Sabti , October -14- 2023-{HMC}  Waxaa sii kordhiya dhibaatooyinka xooggan ee Israaiil ka geysaneyso dhanka Magaalada Gaza iyada oo wax ka yar 24 saac duqeynta Yuhuudda ay ku dhinteen ugu yaraan 256 ruux oo 20 kamid ah Carruur halka ay dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 1,788 qof.

Wakaaladda Wararka u faafisa Falastiin ee WAFA ayaa soo bandhigtay caddeynta dhibaatooyinkaas dadka rayidka ah ee Israaiil u geysatay iyada oo weli ay socdaan weerarrada Yuhuuddu ka geysaneyso Magaalada Gaza.

Goobaha inta badan ay duqeynta Israaiil ku dhaceyso waa meelaha ay degen yihiin Dadka barakacayaasha ah, Goobaha Waxbarashada iyo marinnada la isaga kala gudbo sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Teleefishinka Aljazeera oo aan xogtaan kasoo qaadanay.

Dhismaha ku dumay duqeynta xooggan ee Israaiil waxaa laga soo bixiyay dad qaarkood carruur ah oo waalidkii dhalay ku dhinteen duqeyntaas balse iyaga oo dhaawac ah loola cararay goobaha Caafimaadka si ay daryeel u helaan.

Dhanka kale, Duqeyn ay fuliyeen Militariga Israaiil oo ka dhacday Koofurta Dalka Lubnaan waxaa ku dhintay Suxufi sawir qaade u ahaa Wakaaladda Wararka Reuters halka ay dhaawacmeen ugu yaraan 6 kale oo howlahooda shaqo ku jiray.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA