Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Masuul ka Tirsan DF Soomaaliya oo war kasoo saartay Kiiska Abwaan NAGEEYE

Sabti , October -14- 2023-{HMC}  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inuu aaday dhanka kooxda AS, arrintaas oo dhalisay hadal hayn aad u weyn.

Ninkan oo sidoo kale ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadda Ummadda, isla-markaana aad looga yaqaano dalka ayaa waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray.

Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah As  iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Abwaan Nageeye, wuxuuna sheegay inay la yaab ku noqotay inuu ninkaas ku biiray AS.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma dadkaa wax dhageysan mise isagii ayaa haddda wixii soo daayay oo horaa looga duubay.”

Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkan uu isku qarxin karay madax badan, maadaama uu galaangal ku dhex lahaa dowladda, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartiisa.

“Alxamdulilaah, haddii uusan isku keyn qarxin ilaahey fadligiisa ayay aheyd intuu isku rakibo oo meeshaan oo kale uu yiraahdo gabay ayaan tirinayaa oo isku kaaya qarxin” ayuu ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa eedda ninkan dhabarka u saaray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sheegay in xilligaas aad la’iskuugu milmay, sida uu hadalka u dhigay.

“Eeddaas dowladdan ma lahanee fursad baa la siiyay dadka inay is dhexgalaan, dowladdii horaana bixisay,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, isla-markaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhexgalay.

“Ciidanka Nabad Sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii hadde dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA