Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

mucaaradka oo farriin u diray beesha caalamka Kadib dhawaaqii MW SACIID DENI,

Sabti, October -14- 2023-{HMC}  Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay bayaan deg deg ah oo ay uga jawaabeyso hadal jeedintii madaxweyne Saciid Deni ee ugu dhowaaqay in Puntland ka qabsoomeyso doorasho madaxtinimo oo qof iyo cod ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in Saciid Deni u bareeray baalmarka masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana uu qaadayo waxkasta oo ka dhasha ku tumashada heshiiska bulsho ee uu ku dhaqaaqay, sida lagu yiri bayaanka.

Madasha ayaa sidoo kale waxay farriin u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in aysan taageerin kana qeyb noqon wax kasta oo keeni kara qalalaase amni iyo xasilooni la’aan soo wajahda dalka iyo dowladnimada Puntland.

“Madashu waxay nasiib darro iyo masuuliyad darro ku tilmaamaysaa baalmarka heshiiska bulsho ee uu bareeray Deni, taasi oo khatar ku ah midnimada iyo dowladnimada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

“Madasha waxay cadeynaysaa in aysan aqoonsaneyn wax ka badelkii Dastuurka Puntland iyo dhismihii PEC loo maray si aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarkii doorashooyinka Puntland, sidaas darteed wax kasta oo PEC soo saarto ay yihiin sharci darro.”

Mucaaradka ayaa markale waxay ugu baaqeen Isimidda, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland in ay wada-tashi isugu yimaadaan sidii dowladnimada Puntland iyo hanaanka sharci uusan u dumin una dhicin qalalaase amni iyo firaaq dastuuriya.

“Madasha waxay marar badan cod dheer ku sheegtay damaca Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay Md. Saciid Cabdullaahi Deni inuu yahay xukun maroorsi iyo waqti kororsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka dowladda Puntland, waana arrin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Puntland.”

Madaxweyne Saciid Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod, taasi oo xilligaan ay diidan yihiin mucaaradka.

Hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka ayuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe, taasi oo kal hore isku rogtay gacan ka hadal dhexmaray ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa maamulka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA