Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muuse Biixi oo Puntland ku eedeeyay in ay isku ballaarineyso ‘Dhulka Somaliland

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dooneyso inay dhul Somaliland kaga qabsato hab beelaysan, kadib markii saaka Biixi uu khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada Maamulkiisa, wuxuuna intaas kusii daray in Somaliland aysan ogolaan doonin in taako kamid ah dhulkeed lagu soo xadgudbo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa waxaa digniin u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo sheegay in ay doonayso in ay dhul Somaliland kaga qaadato hab qabiilaysan.

Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu yiri Biixi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in loo midoobo dagaalka rogaal-celinta ah oo sida uu tilmaamay lagu difaacayo xuduudihii gumeysigu u sameeyay Somaliland.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ksuoo beegsaday, ka gadaal markii Madaxweynaha Puntland, oo shalay ka hadlay masiirka gobolada SSC, uu sheegay in ay ku qancayaan wixii reer SSC dan u arkaan, waxa uuna Somaliland ugu baaqay in anay dagaal danbe qaadin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA