Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra iisulwasaare Netanyahu” Weerarka aan ku wadno Qasa waa bilaw oo kaliya”

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay in weerarka rogaal celiska ah oo ay Israa’iil ku qaadday Qasa uu yahay bilow, balse ma uusan faahfaahin waxa soo socda iyo inta uu ku soo kordhin doono weerarka.

Netanyahu waxa uu intaa ku daray,”Waxaan ku weerareynaa cadawgeena xoog aan horay loo arag, waxa aan xaqiijinayaa in tani ay tahay bilow oo kaliya.” Xamaas ayaa 7-dii Oktoobar billowday howlgalka “Daadadka Al-Aqsa”, kaasoo dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen aagga Israa’iil isla mar ahaantaana ay ku rideen kumannaan gantaallo ah.

In ka badan 1,300 oo qof ayaa lagu dilay Israa’iil oo u badan dad rayid ah tan
iyo markii uu billowday weerarka, waxaana ku jira 258 askari, sida lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ciidamada, tirada dhaawaca ayaa gaartay in ka badan 3,200 oo qof, iyada oo tirada la haystayaasha la xaqiijiyay in ay gaarayaan illaa 120.

Marinka la go’doomiyay waxaa ku dhintay 1,799 falastiiniyiin ah, oo ay ku
jiraan 583 caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen 7,388 muwaadiniin ah ayaa ku
dhaawacmay duqeynta xooggan ee Israa’iil ay uga jawaabtay howlgalka, sida
lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ka soo baxday wasaaradda
caafimaadka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA