Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shir ka dhacay Dalka Turkiga oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliyeed ayaa War murtiyeed laga soo saaray

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa lagusoo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socday dalalka Turkiga, Soomaaliya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Shirkaan ayaa muhiimadiisu ahayd, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana Soomaalia uga qeyb galay wakiillo ka socday dowladda Federaalka.

War murtiyeed kasoo baxay shikan ayaa lagu sheegay, in waddamada shirkaan isugu yimid ay isku raaceen, inay si buuxda u garab taagan yihiin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka oo dhan. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen dadaalada ay muujiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxay si faahfaahsan uga wadahadleen hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxay dib u eegis ku sameeyeen horumarka laga gaaray dib-u-habaynta laamaha ammaanka ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo.

Ugu dambayn, waxay carrabka ku adkeeyeen inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dadaallada Soomaaliya ee lagu dhimayo khatarta Shabaab, iyo in si buuxda looga qaado xakamaynta hubka ee saaran.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA