Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cabdulqaadir Firdhiye Firdhiye oo raali-gelin siiyay reer K/Galbeed,

Axad , October -15- 2023-{HMC} Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa uu raali-gelin siiyay dadka reer Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa reer Koonfur Galbeed ka raali-geliyay gefkii ay kal hore kula kacday xukuumadda Somaliland, ee ay kasoo raaftay magaalada Laascaanood, iyada oo ku eedeysay amni darro xilligaasi ka jirtay halkaasi.

Hoggaamiyaha SSC ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed loogu geystay Somaliland.

“Maamulkaas (Somaliland) wuxuu dadkan usoo saaray dilalka qorshaysan iyaga ka dambeeya. Markii uu saaray oo uu musaafuriyay, dilalkii qorshaysnaa way sii labo jibaarmeen. Talo xumaa lagu saaray (reer Koonfur Galbeed) aanan waxba ku lahayn, dhibkii soo gaarayna waan ka xunnahay,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.

“Waan ka raali-gelinaynaa dadka reer Koonfur Galbeed sidii qasabka aheyd ee guryahoodii looga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC oo ka qeyb-galayay barnaamij dood ah oo su’aallo lagu weydiinayay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadkaasi inay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood, ayna dib uga billowdaan nolashooda, xilli ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidamada SSC.

“Waxaa dooneynaa in dadkaasi (reer Koonfur Galbeed) ay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood,” ayuu markale yiri hoggaamiye Firdhiye.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA