Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Qiimeyn lagu sameeyey degaano laga saaray Al-shabaab oo la soo bandhigay

Axad , October -15- 2023-{HMC} Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay Kulan farsamo oo saabsanaa Amniga, Caddaaladda iyo Dowlad wanaagga, kaasoo ku salaysan qiimayn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta iyo Federaalayntu ka samaysay deegaannada laga xoreeyay al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran dhinac wado hawlgallada dalka looga xoraynayo Al-shabaab barnaamijka dib u dejinta dadkii ka baro kacay dagaalada iyo hirgalinta adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa, isla markaana ay horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta oo hada soo diyaarisay qiimayn lagu ogaan karo waxa hirgalay iyo inta dhiman.

Mudane Saalax ayaa xusay in hada dowladu qaybo ka mid ah adeegyadii bulshada gaarsiiyey deeganadii la xoreeyey, iyadoo qorshu yahay in deegaan kasta oo la xoreeyo loo dhamaystiro adeegyada muhiimka ah, isla markaana dadka deegaannka wacyi galin loo sameeyo.

Wasaaradaha Caddaalada iyo Amniga Gudaha, ayaa dhankooda soo bandhigay qorshaha ku aaddan dib u dejinta deegaannada la xoreeyey, gaar ahaan hannaankii looga hirgalin lahaa adeegyadii bulshada sida xarumihii Garsoorka iyo Saldhigyadii Booliska, si loo sugo Amniga iyo kala danbaynta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA