Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo Morocco uga qeybgashay Shirka Madaxda IMF, Bangiga Adduunka & Wasiirada Maaliyadda Afrika

Axad , October -15- 2023-{HMC} Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga qeybgalay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF, Bangiga Adduunkaiyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa hadal jeedintiisaa diirada ku saaray sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay uga falcelikaraan taageerada ay u baahan yihiin dalalka uu dhaqaalohoodu saameeyay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboontahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA