Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Galmudug oo ka hadashay Khasaaraha Kadhashay Dagaalkii Maanta ka dhacay Burujeed

Axad , October -15- 2023-{HMC} Warrar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaarraha uu dhaliyay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka cararreen maydad gaaraya sideed qof

Guddoomiyaha Guriceel ee Maamulka Galmudug oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 5 askari, todobo kalena ay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo kamid ahaa ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda.

Gudoomiye Faarax ayaa sheegay in deegaanka Burujeed ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen inay dileen lixdan ciidamada deegaanka ah, isla markaana ay furteen gaadiid dagaal. Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaarraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka ka dhacay Burujeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA