Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrinma muhiim ah ka balan-qaaday ciidamada ku jira dagaalka AS

Axad, October -15- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay  jeediyey khudbad dheer ayaa ka hadlay dagaalka As, isagoo farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisley, una sameeyey balan-qaad culus.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda gudo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed oo ku taamaya in dalka laga wada xoreeyo as.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee Macawiisley ka balan qaaday inay soo daba fariisi doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.

“Geesiyaal waxaan idinka balan-qaadayaa in dhamaan umadda Soomaaliyeed aan idin soo daba fariisiyo, si ay idinkugu noqdaan garab iyo wehel aad dugsataan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisu ay guuleysatay maalintii uu go’aansaday inuu dagaal ku qaado kooxda Khawaarijta ah ee As.

“Maalintii aan go’aansanay inaan halgan galno oo dulliga ka dul-qaadno umadda ayaan guuleysanay, guusha ugu dambeysa waa noo muuqataa, waana xaqiiji doonaa, insha allaah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale oo halgankaan ay ku muteysa karaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA