Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Masuuliyiin katirsan Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degaanka Barujeed

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Guriceel, Shaafici Cabdi Jaamac, iyo taliyihii saldhigga Guriceel, Cismaan Huudeey, ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay Alshabaab ay kusoo qaadeen degaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan degmada Guriceel ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in guddoomiye ku xigeenka iyo taliyaha ay kamid ahaayeen gurmadka ciidamadii Mucaawisleyda ahaa ee lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen oo kuyaala Barujeed.

Lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaaray labada masuul, kuwaas oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo magaalada Guriceel.

Xaaladda degaanka ayaa haatan deggen, waxaana gacanta ku haya ciidamada Mucaawisleyda iyo kuwa dowladda oo iskaashanaya.

Dowladda iyo maamulka Galmudug weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay Barujeed, halkaas oo Alshabaab ay sheegeen inay dagaal kula wareegeen saakay waaberigii hore.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA