Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

War cusub oo goor dhow ka soo kordhay xariga Xoghaye Ibrahim Roobow Cali

Axad , October -15- 2023-{HMC} Waxaa goor dhow Xarunta dambi baarista booliska ee CID laga sii daayay Ibraahim Roobow Cali oo shalay ay xabsiga dhigeen ciidanka Booliska Somalia.

Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee DF Mukhtaar Roobow Cali ayaa sidoo kale ka mid ahaa gudigii arrimaha xajka ay u saartay Wasaarada.

Wararka ayaa sheegaya in si guud loo fasaxay oo aan damiin lagu sii deynin, sidoo kalane aysan jirin maxkamad la saaray oo dambi ku weysay.

Wararka qaar oo horey u soo baxay ayaa sheegayey in Ibraahim Roobow Cali loo xiray arrimo la xiriiro musuq ka dhashay sidii loo maamulay soo xulida shirkadihii Xajka ee Soomaalida hase ahaatee Booliska DF ayaan ka hadlin sababta loo xiray iyo sii deyntiisa intaba.

Ibraahim Roobow Cali ayaa Xogheyn u ah Guddiga Tartanka Adeegga Xajka sanadka 2024, kaasoo uu dhowaan magacaabay wasiirka Diinta iyo awqaafta Somalia.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA