Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cabdifitaax Al-Siisi : “Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, ”.

Isniin , October -16- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa Israaiil ku eedeeyay in ay dhibaatooyin xooggan ka geysatay dhanka Gaza kaddib markii duqeyn iyo weerar aan loo kala soocin dadka ku sugan Magaaladaas ay geysatay.

Siisi ayaa tilmaamay in sida ay u jawaabtay Israaiil marka laga tusaale qaato weerarka uga yimid dhinaca Xamaas aanay ahayn sida ku habboon ee looga warceliyo marka xaaladdaan oo kale oo bannaanka usoo baxdo.

Kulan gaar ah uu la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu Madaxweynaha Masar ku sheegay in dib loo furayo marinka rafah ee Gaza si gargaar loo gaarsiiyo Falastiiniyiinta dhibaatooyinka kala kulmay Israaiil.

Masar ayaa horay u xirtay xuduudda ay la wadaagto Magaalada Gaza iyada oo fulineysa heshiiska ay la gashay Israaiil, taasi waxa ay sii adkeysay xaaladda ka taagan bariga dhexe oo dad badan ay waayeen biyo, cunto iyo meelo ay uga baxsadaan duqeynta Israaiil.

“Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta Masar Cabdifitaax Al-Siisi.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dulmeereysanaya waddamada carbeed ee heshiiska horay ula galay Israaiil kuwaas oo uu ku cadaadinayo in ay ka falceliyaan weerarkii lagu laayay Yuhuudda, Maxaabiista looga soo qabsaday isla markaana hubka looga soo furtay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA