Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

ciidankii tababarka u jiray Eritrea oo Dib Logu so ciliayay Dalka iyo banaanbaxyo xalay ka dhacay Muqdisho

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa gabal-dhicii shalay ku soo bilowday diyaarado sida ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ilaa xalay saqdii dhexe soo degaayey.

Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen.

Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ilaa KM 4 waxaa xalay isugu soo baxay dadweyne aad u badan oo ku faraxsan dib u soo celinta ciidankii tababarka ugu maqnaa dadka Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago ehellada, waxaa banaan-baxaan xalay soo camiray dad badan oo ku faraxsan soo noqoshada ciidankaan u soo tababartay dalkooda.

Waxaa la xiray jidadka muhiimka ah ee degmooyinka xiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aan loo dhibaatey ciidamadaan cusub.

Ciidamadaan ayaa aad looga sugayey Soomaaliya, dalka ayaa ku jira waayo ay halgan adag lagula jiro AS, waxayna inta badan ciidamadaan ku biirayaan dagaalka ka socda gobollada dalka.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbahinta, waxaa maalin kasta Muqdisho imaa doona dowr diyaaradood oo sida ciidankaas, ilaa ay ka soo dhamaadaan ciidan ku dhow 8,000 oo dalka Eritrea tababar ku dhameystay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA