Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Somalia

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga hannaanka hiheynta dowladnimada casriga ah oo soconaya labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wasiirrada iyo xubnaha kale ee ka qeyb galaya aqoon is-weydaarsiga ayaa kula dar-daarmay in ay ka faa’iideystaan, waxa uuna sheegay in loo jiheysto hannaan dowladnimo oo casri ah.

Xasan Sheekh ayaana sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay wado dedaalo badan ayna ku jirto dagaal, sidoo kale ka shaqeeneyso sidii loogu gudbi lahaa uguna shaqeyn laheyd dowladda hannaan casri ah oo la mid ah midka dowladaha horumaray.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/drvExBg3bMc

{DAAWO MUQAALKA} Xeebta Liido oo si isxilqaan ah Lagu nadiifiyo Jimco Kasto

Sabti-4-May-2024 {HMC} Xeebta Liido oo si isxilqaan ah Lagu nadiifiyo Jimco Kasto HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/cZ2izLCBYzw

WARARKA