Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Masar ‘oo ogolaatay’ inay furto Marinka Rafax

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan.

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyo weliba daadguraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan.

Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

Madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sissi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israel ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa.

“Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA