Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Kismaayo oo xukun Dil ah ku ridday Nin dilay Hooyadiis.

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Maxkamadda Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 37 jir kaddib markii hooyadiis uu ku dilay Magaaladaas.

Maxkamaddu waxa ay shaacisay in xukunkaan uu dhacay 29kii Agoosto 2023 halka uu hooyadiis Marxuumad Xaliimo Maxamed Cumar uu Magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose ku dilay 11kii Juun 2023.

Xasan ayaa dilka Hooyadiis Xaliima Maxamed oo ahayd 61 jir u adeegsaday Mindi iyada oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo markii ay heleen xogta kiiskaan dilka la xiriira oo ugu dambeyn maxkamad loo gudbiyay galdacwadeedkiisa.

Xukunka Maxkamadda ayaa maray xeerarka kala duwan ee kiisaska la xiriira Dilalka iyada oo baaris caafimaad lagu sameeyay Xasan Cabdullaahi oo ah Ninka Kismaayo ku dilay Hooyadiis sida lagu shaaciyay warkaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA