Saturday, June 15, 2024
spot_imgspot_img

Waayeel muslimiinta neceb oo lix iyo labaatan jeer toorrey ku dhuftay lix jir Muslim ah oo ay qoyskiisu guri ka degenaayeen

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa xiray nin waayeel ah oo ku eedeysay in uu toorrey ku weeraray wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis.

Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Chuba, oo 71 jir ah, ayaa lix iyo labaatan jeer toorey ku dhuftay wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis oo degenaa gurigiisa.

Wiilka yar ee lix jirka ah ayaa geeriyooday, halka hooyada 32 sano jir ah uu ku yaal dhaawac weyn oo halis ah.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Illinois waxay boolisku ku tilmaameyn mid ku saleysan ‘Islaam naceyb’ iyada oo la xiriirshay dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

ISHA BBC

{DAAWO MUUQAALKA} kulan lagu soo dhaweynayey aqoonsiga degmada Cusub oo Baarlamaanka Galmudug ay dhawaan aqoonsadeen.

Jimco 14 June 2024 {HMC} kulan lagu soo dhaweynayey aqoonsiga degmada Cusub oo Baarlamaanka Galmudug ay dhawaan aqoonsadeen. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Nisa oo Maxaas kula kulmay Ugaas Yuusuf ugaas Xasan

Jimco 14 June 2024 {HMC} Taliyaha Nisa oo Maxaas kula kulmay Ugaas Yuusuf ugaas Xasan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA

Waa Sidee Xaalka Gaza?