Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo gurmad ah oo gaaray deegaanka Burujeed

Isniin , October -16- 2023-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Guriceel, kadib markii ay shalay soo weerareen xubno ka tirsan kooxda as oo dagaal la galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Ciidamadan oo ka baxay aagga Dhuusamareeb ayaa gaaray furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan agagaarka magaalada Guriceel, si ay ugu biiraan howlgallada ka socda halkaasi.

Ujeedka ciidamadan cusub ee tagay Burujeed ayaa ah inay xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaas oo shalay dagaal adag la galay As.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, kadibna ay ka warbixiyaan qorshahooda ku aadan dagaalka adag ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Labadan gobol oo hoostaga Galmudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah As, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Barujeed oo ay shalay weerar kusoo qaadeen As, balse la kulmay iska caabin ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira koonfurta Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaase lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo xoogleh ka wadaan halkaasi, si ay uga hortagaan weerarada AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA