Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo ka hadlay muddo xileedkiisa iyo hiigsiga Soomaaliya ee 2060.

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Madaxweyne Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka khibrad iyo aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo maanta ka qabsoomay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedkiisa iyo hiigsiga Soomaaliya ee 2060.

Shirkann oo uu sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay haysato waqti kooban marka loo eego muddo xileedka 4 sanno ee loo doortay, isaga oo sheegay in waqtigu yahay mid gaaban, balse loo baahan yahay in wax badan la qabto.

“Afar Sano, sanad iyo bar waa baxay, sanadka u dambeeya waan garaneynaa maxaa noo haray? sanad iyo bar kale” ayuu yiri madaxweyne.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “War orodkeena waa gaaban yahay, waa soconaa, balse waa dalaaneynaa,”

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hiigsiga Soomaaliya ee ku aadan 2060, isaga oo sheegay in sanadkaan ay u doorteen in Soomaaliya ay xilligaas u dabaal dagi doono hal qarni oo dowladnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda ay tahay in sanadka 2060 ay Soomaaliya noqoto dal isku filan, sidoo kalena horumarsan.

“Sanadkan waxaan ka shaqeynownaa Vision la yiraahdo 2060, Soomaaliya noocee ah oo sidee u eg ayaan rabnaa 2060 marka la gaaro, waxaan u dooranay maalintaas waxaan u dabaal dageynaa qarni 100 sanno inaan dowladnahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray dhammaan xubnaha golaha wasiirada inay ka qayb qaataan fulinta qorshahan, si loo gaaro mustabaqlka ay hiigsaneyso Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA