Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Abaartii ugu darnayd muddo qarni ah oo ku dhufatay Brazil

Talado, October -17- 2023-{HMC}  Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegay inay dalkaas soo foodsaartay abaar aad u daran, taas oo keentay inuu qalalo ama biyihiisii yaraadaan, webiga caanka ah ee Amazon ee dhexmara dalkaas.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee gobolka Amazon ayaa sheegtay in abaartani ay saamaysay in ka badan 481,000 oo qof.

Masuuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegaya in biyo yaraantan soo foodsaartay webiga Amazon inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta muddo ka badan 100 sannadood.

Waxaa hakad galay gadiidka badda oo adeegsan jiray webiga Amazon, iyada oo ay istaagtay sahaydii loo marsiin jiray dhinaca badda, tuulooyinka yaryar ee ku yaalla meelaha durugsan.

Sidoo kale heerkulka oo aad u sarreeya ayaa sababay inay dhintaan xayawaano badan oo ku noolaa webiga.

Arrintan ayaa timi, ka dib muddo bilo ah oo aan la helin roobabkii halkaas ka di’i jiray.

 

Reuters

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA