Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Talado , October -17- 2023-{HMC} Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taala xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa uu ku dhintay hal qof kaliya oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Muqdisho ee Teleefishinka Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur Qays, islamarkaama ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho. Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Booliiska Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Agaasime Cabdifitaax Macalin Nuur Qays oo Maydkiisa la dhigay Mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa maanta lagu aasaya magaalada Muqdisho.

Qaraxa Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo amaanka Muqdisho uu muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, kadib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen baarista Gaadiidka iyo dadka la socda si looga hortago qaraxyada iyo weerarrada kooxda Al-shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA