Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Gantaalada xamaas oo ku hoobanaya Tel Aviv iyadoo dadka ay gabaad raadsanayaan

Talado, October -17- 2023-{HMC}  Dadka ku nool magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la arkayay iyagoo u cararaya meelo ay gabaad ka dhigtaan ka dib markii la maqlay dhawaaqa digniinta gantaallada.

Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo badan ku garaacday Tel Aviv iyo Qudus. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa waxaa laga arkayay gantaalo maraya cirka sare ee magaalada.

Waxay calaamad u tahay xiisadaha sii xumaanaya ee u dhexeeya Israel iyo Hamas. Muuqaal ay BBC-du falanqeysay ayaa u muuqday mid muujinaya weerar xagga cirka ah oo ka dhacay isgoyska Rafah ee dhanka Xadka Masar, halkaas oo la rajeynayay in ay suurtagal tahay in xabbad-joojin ay ka dhacdo Gaza sidoo kalana muwaadiniinta ajnabiga ah lagu daadgureynayo.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacada booqanaya Israa’iil iyadoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in sababta uu Biden u booqanaya Israa’iil ay tahay inuu sii xoojiyo taageerada Mareykanka ee Israa’iil. Wuxuu Bilinken sidoo kale sheegay inuu Joe Biden isku dayi doono inuu ka shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa dadka ay Xamaas ka qafaasheen gudaha Israa’iil.

Dhanka kale Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Lubnaan oo lala xiriirinayo kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

Duqeymahan ayaa yimid saacado uun kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iran uu ka digay in Israa’iil ay wajihi karto tillaabo horudhac ah oo kaga timaada kooxaha kale ee hubeysan ee gobolka, haddii aysan joojin waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee ay ka geysaneyso Gaza.

Mareykanka ayaa ka cabiqabo inuu dagaalka ku fido waddamada kale ee xadka la leh waxaana uu isku dayayaa in aysan taas dhicin isagoo wadahallo la sameynaya qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Marka Mareykanka laga soo tago waxaa jira dhowr dal oo Yurub ka tisan oo si cad u garab istaagay Israa’iil, waxaana ka mid ah Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo talyaaniga.

Falastiin dhankeeda dalal badan oo Islaam ah iyo kuwa keleba taageero ayay u muujiyeen hase ma jirto tallaabo ay qaadeen oo ay ku taageerayaan Falastiin.

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka dedaalka ugu jiro inay xabad joojin ka dhaqan gasho marinka Qasa oo xitaa qaar qabyo ah hor geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inkastoo Golaha Ammaanka uu diiday qaraarka qabyada ah ee uu Ruushku soo saaray.

Qaraarka ayuu Ruushka ugu baaqayay in xabbad-joojin bini’aadantinimo laga sameeyo colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalalka reer galbeedka ay ku tunteen dadaallada uu waddankiisa ku doonayo in lagu joojiyo daadinta dhiigga.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Axad 5, May 2024 {HMC} Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/JcWyKx1QWFc

WARARKA