Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxii ugu sareeyay AS-ka GALCAD oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha AS  ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa AS -kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

“Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.

Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda AS  oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda AS ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA