Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MW Biden oo u Safraayo Magaalada Tel Aviv ee Israaiil

Talado, October -17- 2023-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la shaaciyay in Arbacada Berri ah uu Booqasho saacado ah ku tegayo Magaalada Tel Aviv ee Israaiil si uu ula kulmo Madaxda Maamulkaas oo dareemaya culeys uga yimid dagaallada iyo duqeynta Falastiin.

Joe Biden ayaa horay u ballanqaaday in uu garab-taagan yahay Israaiil isaga oo u diray hub iyo ciidan ka yareeya culeyska uga imaanaya Falastiin gaar ahaan Xamaas oo weerar khasaara badan dhaliyay ku qaadday 7dii Oktoobar 2023.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo safar ku maray waddamo badan oo ah kuwa carabta ayaa ku hungoobay in uu ka dhaadhiciyo taageero ay u muujiyaan go’aanka Dowladdiisa ay hubka cusub u siineyso Israaiil si loogu laayo Falastiin.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku qasbanaaday in uu 18ka Oktoobar 2023 u ambabaxo safar degdeg ah oo aanay horay loosii shaacin in uu ku tago Bariga dhexe gaar ahaan deegaannada Israaiil ay ka qabsatay Falastiin.

Biden ayaa kulan gaar ah la qaadan doonno dhiggiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu sida ay wariyeen warbaahinta labada dhinac oo soo xigtay saraakiil iyo mas’uuliyiin si dhow ula socda socdaalka Joe.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA