Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Xamza soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya

Talado , October -17- 2023-{HMC}   Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taasi oo ay ka qeyb qaateen khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Mudane Xamza ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa dhawaan qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA