Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Toogasho ka dhacday Wadanka Brussels oo lagu dilay Labo qof

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Sida ay Boolisku xaqiijiyeen labo qof ayaa geeriyooday, qof kalena waa uu dhaawacmay kadib markii uu nin hubeyssn rasaas ku furay gudaha
caasimada Belgium ee Brussels.

Labada qof ee Geeriyooday ayaa lagu tilmaamay dad u dhashay wadanka
Sweden kuwaasi oo taageero u ahaa xulka wadankaasi oo ciyaar
saaxiibtinimo kula dheelayay Brussels ciyaar saaxiibtinimo.

Xeer ilaalinta dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in ay furtay baaritaan Argagixiso
isla markaana ay weerarka u diiwaan-gelisay mid Argagixisinimo.

Ninka weerarka qaaday ayaa la maqlay isaga oo Afcarabi ku hadlaya isla
markaana sheegaya in ilaahay dartii uu weerarkaan u qaaday sida ay BBCdu ku warantay.
Laamaha Amniga ayaa sheegay in ninkaan ay weerarka ku riixday kooxda

ISIS iyada oo muwaadiniinta loogu baaqay in ay guryahooda ku sugnaanadaan ilaa xaalada la dejiyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA