Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xafiiska Xuquuqul Insaanka QM oo si kulul u cambaareysay duqeyn lagu laayey qoysas qax ku jiray

Talado , October -17- 2023-{HMC}  Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey duqeyn ciidamada Israel la beegsadeen dad rayid ah oo isku dayayay inay u qaxaan koonfurta Qaza.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Ravina Shamdasani ayaa ku boorisay ciidamada Israel inay ka fogaadaan duqeymaha cirka, aan loo meel dayin iyo inay taxadaraan si looga fogaado luminta nolosha rayidka, dhaawacyada

Waxay sheegtay in kuwa ay u suurtagashay in ay qaxaan ay hadda ku go’doonsan yihiin koonfurta Gaza aysan heysan hoy, cunto, biyo, fayadhowr iyo dawo.

“Wararka naxdinta leh ee sheegaya in dadka rayidka ah ee isku dayaya inay u guuraan koonfurta Gaza lagu dhuftay laguna dilay hub qarxa, waa in si madax-banaan oo qoto dheer loo baaro sida dhammaan eedeymaha xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah,” ayay tiri.

Shamdasani waxa kale oo ay ku celisay baaqii ka soo baxay xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee kooxaha hubaysan ee Falastiin “in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan dhammaan la haystayaasha rayidka ah iyo in la joojiyo adeegsiga gantaallada aan kala sooc lahayn ee ka dhanka ah Israa’iil.

Ugu yaraan 30 qof ayaa dhintay tiro intaas ka badana wey dhaawacmeen ka dib markii dayuuradaha Israel ay duqeyeen qoysas la socday gaadiid oo ka qaxayey woqooyiga Gaza oo ay horey u amartay in laga baxo kuna jeeday Koonfurta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA