Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay abwaan kale oo taageeray AS

Arbaco , October -18- 2023-{HMC}  Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay Maxamuud Maxamed Ibraahim (Abwaan Jeesto), suda ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay.

Abwaan Jeesto ayaa kaasoo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo al-shabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Ninkan oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta.

Waxaa uu noqonayaa qofkii saddexaad oo bannaanka la yimaada fikirka xagjirnimada argagaxisada, waxaana horay loo xiray Taakeeye oo laga soo qabtay dalka Kenya.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday Al-shabaab oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay qoraalo uu sameeyey oo xili dambe lagu baraarugay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA