Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka ATMIS oo baneeyey saldhig muhiim ah oo ku yaalla Sh/dhexe

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} Ciidanka ATMIS ayaa maanta ku wareejisay ciidamada Amaanka Soomaaliya Saldhiga Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xil Wareejintan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ay sameynayaan hawlgalka ATMIS iyo DFS, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ayaa hadda loo wareejin doonaa Gobolada kale si kor loogu qaado amniga iyadoo la eegayo hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS mudada 3 bilood ah oo ay DFS codsatay.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa fududeeyay UNSOS waxaana ka soo qeyb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada ATMIS iyo kuwa DFS.

“Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii hore, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay codsatay in la joojiyo farsamo ahaan dhimista ciidanka taasoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu isku raacay,” ayuu yiri Madaxa Saadka ee ATMIS Col. Jean Bosco Sibondavyi oo ah gudoomiyaha xaflada xil wareejinta.

Waxa uu intaa ku daray in xil wareejinta aysan ku xad-gudbin codsigii Soomaaliya ee ahaa in muddo 90 maalmood ah la dhimo ciidamada ATMIS-ka.

“Heshiiskaan waxaa lagu heshiiyey iyadoo la isku raacsan yahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhammaanteen waxaan ku heshiinnay in aan sii wadno wareejinta Raaga Ceelka sababo la xiriira baahida howl-qabad ee Qeybta 5-aad. Ciidamada la wareegaya waxa ay xoojin doonaan Saldhigyada kale ee Horu-socodka ah,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in ciidamada ATMIS ee guutada 68-aad ay u gudbi doonaan qeybaha kale ee ka tirsan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka si ay uga qeyb qaataan howlgallada milateri ee wadajirka ah, sidoo kalena ay ciidamada XDS ka taageerayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada laga xoreeyo si loo sugo amniga iyo xasiloonida.

Deegaanka Raaga Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamada Burundi kuwaasoo dusha kala socda ammaanka ATMIS Sector 5.

Taliyaha ciidamada ATMIS ee Burundi, guutada 68-aad, Lt. Col. Jean Baptise Nahishakiye, ayaa saldhiga wareejiyay.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo ay qaadeen ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Marka aan mas’uuliyadeena ku wareejinayno XDS, waxaan ku kalsoonahay inay ilaalin doonaan oo ay difaaci doonaan badbaadada, amniga iyo xuquuqda aadanaha ee dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Lt. Col Nahishakiye.

Taliyaha cusub ee ciidamada XDS ee Raaga Ceel FOB Lt. Iidow Cali Maxamed ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee Burundi howlgallada wadajirka ah ee ay ciidamada XDS kula jiraan Al-Shabaab, xasilinta degaannadii laga saaray iyo sugidda amniga gobolka.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Raaga Ceelka kala wareegnay ciidamada ATMIS-ka. Waxaan ballan qaadeynaa inaan ku soconno jidkooda, anagoo ilaalineyna nabadda iyo amniga, iyadoo la hubinayo in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee dadka deegaanka,” ayuu yiri Lt. Iidow.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA