Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed

Baydhabo, Oktoobar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa caawa kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-shabab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

 

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

 

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

 

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA