Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Wasiirka Difaac Kenya

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka difaaca Kenya ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA