Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Qasaarihii ka dhashay isbitaalkii ay duuqeeysay Ciidamada Israa’iil

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} In kabadan shan boqol oo qof ayaa la sheegay inay ku dhimatay isbitaal Al-Shifa oo ku yaalla magaalada Qasa kaas oo lala beegsaday duqeymo dhanka cirka oo Israa’iil lagu eedeeyay inkastoo ay iska fogeysay oo ay eedda dusha ka saartay Xamaas.

Duqeynta ayaa waxaa ka dhashay caro calami ah gaar ahaan dunida Islaamka. Waddamada ka sida adag uga hadlay waxaa ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Af-Carabi ayaa lagu yiri:, “Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Qaza waxa loo arkaa xad-gudub bareer ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka iyo qiyamka bini’aadantinimo oo uu jiro sharciga bini’aadanimo,”.

Soomaaliya ayaa Israa’iil ugu baaqday in inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah isla markaana si shuruud la’aan ah oo degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku baaqday in la furo waddooyinka gargaarka si mucaawino loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee u baahan gargaarka degdeg ah.

Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadashay duqeynta isbitaalka Al Ahli.

Dowladda Jabuuti ayaa cambaareysay duqeyntii xalay lala beegsaday isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Qasa, halkaa oo dad gaaraya 471 ay ku dhinteen.

Warkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Jabuuti oo ku qornaa Af-Carabi ayaa lagu yiri:, “Waxa ay Israa’iil ka gaysatay Qaza waxa loo arkaa werar argagax leh oo lagu Bartimamedsaday carruur iyo haween waxba galabsan werarka waa Xasuuq dagaal oo ka dhan ah dadka reer Falastiin sabab oo waxa u ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka qiyamka bini’aadantinimo.”

Dowladda Jabuuti ayaa ugu baaqday Israa’iil inaysan beegsan dadka shacaabka si loga foogado xasuuq kale.

Cisbitaalku waxa uu shaqaynayay tan 1882. Waxaa aasaasay Kaniisadda England ee Church Mission Society ka dibna waxa u maamulay hay’ad caafimaad oo hoos imanaysay kaniisadda Baabtiisaha Koonfureed.

Waxaa inta badan maalgeliyay Kaniisadda Episcopal iyo Midowga Yurub, xaruntan caafimaad ayaa la sheegay inay ahayd isbitaalka kaliya ee Masiixiyiinta ee Marinka Gaza.

Kumanaan kun oo qof oo ka barakacay dagaalka waqooyiga Marinka Gaza ayaa hoy u raadsaday cisbitaalka al-Ahli Arab si ay uga badbaadaan duqeymaha Israel.

Cisbitaalka ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay gantaalkii Israel ee 14kii Oktoobar, taasoo keentay in afar ka mid ah shaqaalaha ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay bayaan uu soo saaray Archbishop of Canterbury, Justin Welby.

Qeybta Cisbitaalka ee lagu daweeyo Kansarka ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxaas.

Ka hor inta uusan gantaalku ku dhicin 14-kii Oktoobar, isbitaalku waxa uu hoy u ahaa ilaa 6,000 oo barokacayaal ah; ka dib qaar badan oo iyaga ka mid ah way carareen, iyadoo ku dhawaad 1,000 ay ku hareen barxaddiisa.

16kii Oktoobar, Israa’iil ayaa waxay amartay ugu yaraan 20 isbitaal oo ku yaal Gaza, oo uu ku jiro Isbitaalka Al-Ahli Arab, inay ka guuraan dadka

Sababo la xiriira sariiraha o aan ku filneyn isbitaallada koonfurta Marinka Gaza oo aan lahayn hab lagu qaado bukaannada qaarkood, sida dhallaanka cusub ee ku jira qalabka hawada ama ogsijiinta ku xiran ayaa sababtay in amarada daadgureynta Israa’iil ay tahay wax aan suuroga ahayn in loo hoggaansamo.

Kahor inta aan la duqeyn isbitaalka al-Ahli, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in Israel ay weerartay 51 xarumo caafimaad oo ku yaal Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA