Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xasuuqii Israel xalay ka gaysatay Isbitaalka Al-ahli Gaza

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqayntii xalay Israa’iil u geysteen Isbitaalka Al-ahli ee Gaza oo in ka badan 500 qof ku dhinteen

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arimaha dibadda oo afka carabiga ku qornaa ayaa lagu yiri: “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u canbaareynaysaa falkii duqaynta ahaa ee loo geystay Isbitaalka Al-ahli ee Gaza oo sababay dhimashada in ka badan 500 qof oo rayid falastiiniyiin ah oo ay ka midyihiin caruur iyo haween, waxaana masuuliyadaas qaaday ciidanka Israa’iil ee gumaystaha

Warsaxaafadeedka Dowladda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in falkaan yahay mid xadkii dhaafay wax marmarsiiyana aan loo heli Karin kana soo horjeeda sharciyada iyo curfiga adduunka iyo qawaaniinta Xuquuqul aadanaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in adduunku soo fara geliyo arrintaan xasuuqa ah ee lagu haayo falastiiniyiinta Gaza.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya ayadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu manta booqday Tal Aviv si uu u garab istaago Yahuuda.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA