Arboco , October -18- 2023-{HMC} Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.
Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.
Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.
Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.
Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977
Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.
Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.
Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.
Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidamada Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaaliya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soomaaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridista, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diyaaradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysnaayeen.
Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diyaaradood kasoo riday Soomaaliya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cirka, qaybihii dambe ee dagaalka.
Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?
Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, “Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali.
“Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey.
Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid.
Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan.
“Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sareeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cirka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaalka ayaa sidaasi yiri.
Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti dawladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan.
“Ganacsatada Soomaalida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu.
Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula sameeyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan.
Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka.
Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya.
Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso “in la dhiso ciidankii cirka”.
Billowgii xiriirkii Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.
Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.
Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada Soomaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xilligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed.
Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay, lana keenay koonfurta Soomaaliya.
July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.