Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Joe Biden oo wacad ku maray inuu caalamka tusi doono in Maraykanku uu garab taagan yahay Israa’iil

Arabco , October -18- 2023-{HMC} Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu caalamka tusi doono in Maraykanku uu garab taagan yahay Israa’iil booqashadiisa Arbacadii, wuxuuna xusay in qaraxii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Isbitaalka Marinka Gaza aysan fulin ciidanka Israa’iil.

Biden ayaa u muuqda inuu Israa’iil ku raacay talaabada ay ku inkirtay gantaalka ku dhacay Isbitaalka Gaza oo ay sheegtay inuu ahaa gantaal habaabay oo ay rideen kooxaha Falastiinyiinta.

“Iyadoo ku saleysan waxa aan arkay, waxay u muuqataa inay qaraxaas sameeyeen kooxo kale, ma aha adiga,” ayuu Biden u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu intii lagu jiray kulanka ka dhacay magaalada Tel aviv oo uu maanta booqashoku tagay.

Laakiin Biden waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo halkaas jooga oo aan hubin waxa sababay qaraxa Isbitaalka Gaza kaasoo mudaharaadyo ka dhaliyay guud ahaan bariga dhexe iyo dalalka Islaamka.

Biden ayaa markii dambe sheegay inuu ku saleeyay gunaanadkiisa arrintaas xog ay tustay waaxdiisa difaaca oo Israel ka beri yeelaysa Gantaalkaas, dad badan ayeyna ka yaabisay taageerada indho la’aanta ee Mareykanku siinayo Yuhuuda oo hadda gaartay heer caqliga uusan aqbali karin.

Israa’iil ayaa sheegtay in raadarkeeda iyo sidoo kale muuqaal madax-bannaan uu muujinayo gantaal ku dhex jira goob baar ah oo ay soo rideen mintidiin Falastiiniyiin ah oo si khaldan u riday isla markaana sababay qarax weyn markii uu qaraxu ku dhacay isbitaalka. Waxay sheegtay inaysan jirin wax duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Isbitaalka Gaza, waxayna baahisay cod ay ku sheegtay inuu u dhaxeeyay labo maleeshiyo oo Xamaas ah, kuwaasoo ay ku sheegeen in qaraxan loo maleynayo inuu ahaa mid si qaldan loo adeegsaday.

Hase ahaatee kooxda Islamic Jihad ayaa meesha ka saartay sheegashada Israel, waxayna farta ku fiiqday amarkii Israel ee ahaa in isbitaalka laga baxo maalmihii la soo dhaafay iyo warbixino ku saabsan weerar hore oo ka dhacay isbitaalka oo ay ku dhaawacmeen afar qof taasoo cadeyn u ah inuu bartilmaameedka Israel ahaa.

Dadka wax Taxliiliya ayaa sheegaya in inkirmaada Israel & cadeymaha ay la timid ay yihiin kuwo raqiis ah oo aan lagu qanci karin, iyagoo xusay in kooxaha falastiiniyiinta aysan heysan gantaal geysan kara khasaaraha baaxadaas le’eg.

Booqashada Biden ee Israel ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaaca bini’aadan-tinimo ee ka taagan Gaza, halkaasoo Israel ay jartay isu socodka cuntada, shidaalka iyo biyaha. waxaana socda dedaalo la xiriira sidii meesha looga saari lahaa ismari waaga ka dhashay bixinta saadka rayidka, kooxaha gargaarka iyo isbitaallada Gaza

Biden ayaa sidoo kale lagu waday inuu booqdo Jordan si uu ula kulmo hogaamiyayaasha Carabta Arbacada, laakiin shir madaxeedka ayaa la joojiyay ka dib markii duqeyntii isbitaalka.

Hadalkiisa Tel Aviv wuxuu kaga hadlay argagaxa ay Israa’iil soo martay, iyo sidoo kale dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee sii kordhaya ee rayidka Falastiiniyiinta ee Gaza.

Biden ayaa u sheegay Netanyahu inuu aad uga murugooday oo uu ka carooday duqeynta isbitaalka. Laakiin waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in Xamaas aysan matalin dhammaan dadka Falastiiniyiinta, oo ay u keentay dhibaato kaliya. isagoo xusay baahida loo qabo in la helo habab lagu dhiirigelinayo naf-badbaadinta si loo caawiyo Falastiiniyiinta aan waxba galabsan ee Gaza.

Fariinta guud ee Biden ayaa ahayd in Maraykanku uu si adag u garab taagan yahay Israa’iil ka dib weerarkii Xamaas ee lagu dilay 1,400 oo qof oo Israa’liyiin ah.

“Waxaan rabaa inaad ogaato inaadan keligaa ahayn. Waxaan sii wadi doonaa inaan joogno dhabarka Israa’iil, Waxaan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno adiga iyo la-hawlgalayaasha gobolka oo dhan si aan uga hortagno musiibo badan oo ku timaada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.” ayuu yiri Biden.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA