Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka oo manta jidde ku shiraayo

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa maanta ku shiraya madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo si adag uga doodaya xaaladda ka taagan Gaza iyo Xasuuqa Yuhuudda geysaneyso.

Diblumaasiyiin u dhow shirkaan ayaa laga soo xigtay in waddamada Islaamka ay maanta ka dareen duwan yihiin kulamadii hore ee xaaladda bariga dhexe ka yeelan jireen maadaama Dad badan oo Shacab ah lagu dhibaateeyay duqeynta arxan-darrada ah.

Waddamada ka qaybgalaya shirka ayaa kahor inta aysan miiska wadahadalka tegin waxa ay indhaha lasoo saareen xaaladihii ugu dambeeyay oo uu ugu weyn yahay weerarkii Argagaxa lahaa ee Israaiil ay ku beegsatay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaza.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa qoraallo ay soosaareen waxa ay si adag u cambaareeyeen falka Israaiil ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Babtist, Xeryaha Barakacayaasha & goobaha Waxbarashada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA