Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo u tegaya dardargelinta dagaalka ka dhan ah ‘AS’.

Arboco , October -18- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu diiradda u saaro dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo wajigiisa labaad dhowaan halkaas ka billaabanaya.

Ilo Xilkas ah ayaa   sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale in ay socdaal ku tegayaan deegaanno katirsan Gobollada Bay & Bakool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugnaanayo Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo aan ilaa hadda la shaacin kula kulmi doonno Madaxda Dowlad-Goboleedkaas, Saraakiisha Ciidanka ATMIS, Dadka deegaanka iyo xubnaha Federaalka ee deegaannadaas jooga si loo dardargeliyo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.

Waxaa la diyaariyay ciidamo qaarkood dhowraan tababarro ciidan ku qaaday Magaalada Baydhabo kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka wajiga labaad ee la dagaalanka ‘AS’ sida ay  xaqiijiyeen ilo kala duwan oo uga xog-warramay arrintaan, waxaana lagu biirinayaa ciidamo deegaanka ah & kuwo ay diyaarisay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Ciidamada Qalabka sida u ballanqaaday in uu waqti kula qaadan doonno furimaha Dagaalka si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo uu sheegay in ay Dowladdu ka go’an tahay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA