Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo AS ah

Arboco , October -18- 2023-{HMC} Dowladda Mareykanka ayaa baadigoob xooggan ugu jirta hoggaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda AS  ee Soomaaliya ka aas aasan , kuwaa oo Mareykanka ku eedeesay in ay galeen dambiyo kala duwan .

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda ayaa lacag abaal-marin ah madaxiisa dul dhigtay hoggaamiye katirsan AS , kaa oo kamid ah ragga sida weyn loo raadinayo.

Mareykanka ayaana lacag abaal-marin ah oo dhan $5 milyan u ballan-qaaday qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsado Abuukar Cali Aadan, oo katirsan hoggaamiyaasha sar sare ee AS.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha AS, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha.

Dowladda Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin dollar ah madaxooda u dul dhigtay hoggaamiyaasha ugu sareeya AS ay ku jiraan Amiirka kooxdaasi Axmed Diiriye iyo sidoo kale Mahad Karatey oo kamid ah ragga ugu saree AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA