Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa kajiro in uu Diiday Taliyaha Booliiska Baledweyne xilka qaadistii uu ku sameeyay Taliyaha Booliiska Hirshabeelle?

Arbaco , October -18- 2023-{HMC}  Taliyaha Booliiska Saldhiga degmada Baledweyne Xidigle Axmed Cali Aadan ayaa ka hor yimid xilka qaadis uu ku sameeyay Taliyaha Booliiska maamulka Hirshabeelle Xasan dhicisoow, islamarkaana xilkaas u magacaabay Dhame Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.

Taliye Axmed Cali Aadan ayaa sheegay inuusan xilka ka qaadi karin Taliyaha Booliiska Hirshabeelle, islamarkaana uu yahay Taliye Booliis oo hee Fedaraal ah.

“Aniga waxaan ahay Booliis Fedaraal waxaana halkaan ku imid magacaabis heer Fedaraal ah, xilna igama qaadi karto Hirshabeelle awoodna uma lahan sharcina maba ahan, mana arag warqad kaso baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo sarkaalkaan lagu soo magacaabay ” ayuu yiri Taliye Axmed Cali Aadan.

Si kastaba ha ahaatee diidmada xilka qaadista uu sameeyay Taliyaha Booliiska Baledweyne ayaa imaaneysa, iyadoo xilka qaadista iyo magacaabista Taliyaha Booliiska Baledweyne ay aheyd mid ka imaan jirtay dhanka Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyahaan ayaa sidoo kale xilka qaadista Hirshabeelle ay ku sameeyay u sababeeyay khalalaasaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada maamul ee Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo bilahii lasoo dhaafay ka taagna Baledweyne oo uu taliyahu sheegay inuu ka noqday arintaasi dhex dhexaad, maadaama uu sheegay inuu yahay Taliye heer Fedaraal ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA