Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Rag qaraxyo usoo waday Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay

Arbaco , October -18- 2023-{HMC} Ciidamada nabad sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Raggan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa lagu qabtay barkoontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay kusii jeedeen Muqdisho, ayna wadeen walxaha qarxa.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan lagu hayo baaritaano, isla-markaana wixii kasoo baxa ay la wadaagi doonaan dadka Soomaaliyeed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro qorsheysan dagaallo xoogan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA