Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Israel Benjamin Netanyahu oo mar kale sheegay in Israel aaan lagu eedayn karin weerarka Isbitaalka Gaza

Arabco , October -18- 2023-{HMC} RW Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar kale sheegay in Israel aaan lagu eedayn karin weerarka Isbitaalka Gaza xili uu ka hadlayey shir jaraa’id oo uu la qabtay Madaxweyne Biden oo maanta booqday Israel.

“Dunida oo dhami si sax ah ayay uga carootay, laakiin caradaan waa in aan loo jeedin Israa’iil ee waa in loo jeediyo argagixisada,” ayuu yiri Netanyahu intii lagu jiray kulan xigay oo uu la yeeshay Biden iyo golaha wasiirada Israel.

Booqashada Madaxweyne Biden ayuu ku tilmaamay mid qoto dheer oo qiiro badan”, isaga oo intaa ku daray, “Waan ogahay in aan u hadlo dhammaan dadka Israa’iil marka aan ku iraahdo waad ku mahadsan tahay Mudane Madaxweyne, garab istaagga Israa’iil maanta, berri iyo mar walba.” ayuu intaas ku daray.

Netanyahu wuxuu sheegay in Biden uu si sax ah u soo saaray khad cad oo u dhexeeya wax uu ugu yeeray “Xoogga ilbaxnimada iyo xoogaga waxashnimada,” isagoo sheegay in Israa’iil ay ka midaysan tahay go’aankeeda ah inay ka adkaato Xamaas.

“Dunida ilbaxnimada leh waa inay u midoobaan sidii ay uga adkaan lahaayeen Xamaas,” ayuu yiri.

Biden waxa kale oo uu la kulmay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo sidoo kale iyo qoysaska dadka ay dileen Xamaas iyo kuwa ay haystaan. Gacmaha ayuu qabtay, wuu isku duubay oo si deggan ayuu u dhegaystay.

Eli Beer, oo ah aasaasaha adeegga caafimaadka degdegga ah ee Israel ayaa u sheegay Biden in booqashadiisa ay ​​aad kor ugu qaadday ruuxda Israel iyo dhammaan dadka Yuhuudda ah ee adduunka.

Suurtagalnimada in uu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Carabta ee deriska la ah ayaa si weyn hoos ugu dhacay markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas. Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa duulaan dhulka ah oo ay ku qaadi karto Gaza si ay uga jawaabto weerarrada Xamaas.

Ku dhawaad 2,800 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil ee Gaza. 1,200 oo qof oo kale ayaa la rumeysan yahay iney ku jiraan burburka hoostiisa, iyagoo dhintay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. Tiradaas ayaa ka horeysay weerarkii ka dhacay isbitaalka Al-Ahli fiidnimadii Talaadadii.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA