Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaar ka mid ah adeegyada X (Twitter) oo lacag laga dhigayo

Arboco , October -18- 2023-{HMC}  Barta baraha bulshada ee X, ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa ku dhowaaqday Talaadadii inay billowday in dadka cusub ee kusoo biiraya ee dalalka New Zealand iyo Philippines ay kusoo rogto lacag si ay isticmaalaan adeegyada qaarkood, sida farriimaha.

X, oo sanadkii tegay uu iibsaday bilyaneer Elon Musk, ayaa bayaan ku sheegtay in habkan cusub ee rukumashada uu “xoojin doono” dadalladii horey u jiray ee lagu yareynayo spam-ka iyo computer-ada iska dhiga dadka.”

Habkan cusub ee la tijaabinayo, dadka ku cusub barta X ee ka isticmaalaya webka ee dalalka Philippines iyo New Zealand ayaa ku qasbanaan doona inay bixiyaan $0.75 iyo $0.85 sida ay u kala horreeyaan, sanad kasta, si ay loogu ogolaado isticmaalka adeegyada aas-aasiga ah sida inay wax ku qoraan barta.

Kuwa diida inay bixiyaan lacagta waxay awoodi doonaan kaliya “inay wax ka aqriyaan” barta, daawadaan muuqaallada ayna ku xirnaadaan cinwaannada kale, sida ay tiri shirkadda.

“Tani waxay qiimeyn doontaa tallaabo awood leh, si ay nooga caawiso inaan la dagaalanno computer-ada dadka iska dhiga iyo spam-ka, iyadoo la isku dheelitirayo adeegsiga barta iyo qaddarka lacagta yar,” ayay raacisay.

Dadkii horey u isticmaali jiray X ee dalalkan ma saameyn doono go’aankan.

Musk ayaa isbeddelo dhowr ah oo muran dhaliyey ku sameeyey maamulka iyo adeegyada X, tan iyo markii uu $44 bilyan ku iibsaday Twitter sannadkii tegay.

Wuxuu dhowaan soo jeediyey fikradda ah inuu lacag ka qaado dhammaan dadka isticmaala barta, si wax looga qabto cinwaannada been abuurka ah — taasi oo uu kala kulmay dhalleeceyn xoogan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA