Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Dowlada oo Buburiyay saldhigyo ay AS ku lahaayeen Gobolka Bakool.

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} –  Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgallo culus ka sameeyeen gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin AS.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan si gaar ah uga fuliyay agagaarka degmada Tiyeeglow, ayaga oo bartimaameesaday deegaano ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Deegaanada ay gaareen ciidamada ayaa waxaa kamid ah Ceel Garas, Dudumal, Waraabe iyo Moorahagar oo qiyaastii 45 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Taliye ku xigeenka guutada 9-aad, qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaale Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgallladan uu ahaa inay AS. ka saaraan dhulkaasi, ayna ku guulaysteen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaas, kuwaas oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ku beegsato ciidamada huwanta.

Yoonis Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulkaasi, si looga sifeeyo dagaalyahannada AS.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca AS. oo ku aadan howlgalladaas ay guulaha ka sheegay dowladda dhexe.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay AS, waxaana dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ku wada magaaladaasi, kuwaas oo ku aadan dardargelinta dagaalka AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA