Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan kula qaatay magaalada Xudur Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer Dowladda Goboleed

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee argagixisada Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

 

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA