Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Federaalka oo aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Muqdishu hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-cali {Firdhiye}

Fiqi ayaa warsaxaafadeed uu aqriyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay martiqaadday hoggaamiyaha SSC-Khaatumo wadatashi dheer kadibna ay aqoonsan tahay bayaanka Isimmada SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo ee sanadkan, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

Xukumadda Federalka Soomaliya FS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

 

 

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA