Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo mar kale duqeysay Isbitaalo iyo Iskuulo ku yaalla Gazza

Arabco , October -19- 2023-{HMC}  Israa’iil oo weki sii wada duqeymaha Gaza ayaa weerartay dhisme ku dheggan iskuul ay boqolaal qof gabbaad ka dhigteen kaasoo ay gacanta ku heyso QM

Weerarkan ayaa ka dhacday degaanka Khan Younis oo ku yaal dhul beereed ku dhagan iskuul ay maamusho heyadda UNRWA oo lagu magacaabo Ahmed Abdilaziz.

Dugsiyadii ay gacanta ku haysay UNRWA ayaa laga dhigay hoy dadka gudaha ku barakacay ay ka gabaadsadaan duqeymaha aan loo meel dayin ee Israel.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa wali daad gureynaya dadka uu firirka ku dhacay oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Sidoo kale duqaymaha Israa’iil ayaa ka dhacaya agagaarka Isbitaalka al-Quds ee xaafadda Tal al-Hawa ee magaalada Gaza, sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee Falastiin.

In ka badan 8,000 oo falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka dhiganaya Isbitaalka, kaasoo ay horey u bartilmaansadeen oo ay burburiyeen ciidamada Israel sanadkii 2009, sida ay kooxdu ku sheegtay baraha bulshada.

Ficiladan ayaa dhacay 24 saac ka dib markii ciidamada Yuhuuda ay duqeyn u geysteen Isbitaalka Al ahli arab oo ku yaalla Gaza hallaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale oo dhamaantood u badan caruur iyo haween

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA