Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Sababta uu isku Gubay Wiilkan Soomaali ah?

Khamiis , October -19- 2023-{HMC} Nin 23 jir ah oo u dhashay Soomaaliya ayaa isku shubay shidaal bannaanka hore ee xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Larnaca, wuxuuna isku dayay inuu is-dilo isagoo dab shidaya.

Ka hor inta aan la dilin, wuxuu la hadlay shaqaale ka tirsan Adeegga wuxuuna ka cawday in la diiday codsigiisa magangelyo siyaasadeed, taasoo la macno ah inuu ku laabto waddankiisa.

Sida laga soo xigtay Proto Thema, wuxuu watay gasac basiin ah, ka dib markii uu ku faaruqiyay jirkiisa ayuu dab qabadsiiyay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta ku sugnaa ayaa islamarkiiba soo dhexgalay dabkaasi oo damiyay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo 23-sano jir ah ayaa la dhigay Isbitaalka, si loogu daweeyo, maadaama uu aad u gubtay. Xaaladiisa caafimaad ayaa lagu tilmaamay mid halis ah.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA